Maamulada galmudug iyo xibin iyo xeeb ayaa si wada jir ah u sheegey in xeebaha Hobyo,xarardhere,iyo ceel huur,boob lagu hayo kheyraadka badda soomaaliya iyagoo intaas ku darey in ay joojiyeen wax badana ka qabteen burcadbadeeddi caalamku ka qeylin jirey hase yeeshee aan waxba adduunku ka qabanin qeylada kasoo yeereysa kaluumeysatada soomaaliyeed.
Boobka kheyraadka badda soomaaliya ayaa dhawr iyo labaatan sano ka socdey xeebaha soomaaliya ,waxaana intaas sii dheereyd iyo wasaq iyo haraaga warshadaha nueklierka lagu aasey meelo badan oo xeebaha soomaaliya ah,wax qaramada midoobey hey’addeeda badaha qaabilsan ay ka sheegtey ama ay kasoo qaadeyna ma jirto.
Waxeyna cabashadani kusoo beegmeysaa xili soomaalidu wax ka qabatey burcadbadeedi gudahana lasoo geliyey,isla markaana ninki hormuudka u ahaa in laga tanasulo burcadbadeednimada Maxamed Cabdi xasan Afweyne si sharci darro ah loogu heysto wadanka biljemka ee ay ku taal xarunta midawga yurub,halkaas oo lagu maxkamadeynayo.




