Shirkii dib u heshiisiinta jubbooyinka oo muqdisho ka furmey.

0
568

Shirkii dib u heshiisiinta jubbooyinka ayaa ka furmey magaalada muqdisho,iyadoo ay ka qeyb galeen ergooyinkii loogu tala galey ee ay soo kala direen dawlada federalka iyo maamulka kmg ee jubba.

Shirkan ayaa waxaa lagaga hadlayaa ajende horudhac u ah shirka kismaayo lagu qabandoono iyadoo la raacayo heshiiski adisababa,shirka ayaa waxaa ka qeyb galey oo furey ra’iisalwasaaraha soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka waxeyna sheegeen in ay guul tahey in shirkani furmo iyadoo leys afgarteyna kismaayo la tago.

Shirkan oo ah kii labaad ee muqdisho ka dhaca ayaa waxaa ka horeeyey kii ay muqdisho ku yimaadeen hugaamiyaha kmg ee jubba shekh Axmed madobe iyo wufuud uu hugaaminayey,iyadoo la sheegey in isaga laftiisa leysku afgartey.