Ciidamo ka tirsan kuwa xogga oo dhac iyo kufsi ka geystey deegaanka suuqa xoolaha ee degmada heliwaa.

0
513

Ciidamo ka tirsan kuwa dawlada soomaaliya oo fariisimo ku leh suuqa xoolaha ee degmada heliwaa ayaa cabasho aad u kulul laga keeney kadib markii ay dadweynaha deegaankaasi u adkeysan waayeen dhac kufsi iyo bililiqo joogta ah,taas oo maamulka degmadu qeyb ka yihiin.

Ciidamadan ayaa markii ay dacwada ka imaneyso ay badatey ayaa waxaa la go’aamiyey in laga bedelo kuligood laguna bedelo kuwo kale,balse markii ay ogaadeen in la bedelayo ayey caawa waxey geysteen boobki ugu ba’naa abid soo mara deegaanka suuqa xoolaha.

Waa markii ugu horeysey oo ciidamo laga cawdey laga bedelayo goobti ay degenaayeen waliba ciidamada xogga weeye ciidamada badanaaba dadweynuhu ka cawdaan,waxeyna tani imaneysaa xili ciidamada Amisom ee dalka ku sugan ay leeyihiin waa in la kordhiyaa ciidamada Amisom iyadoon waxba laga soo qaadeyn kuwa soomaaliya ee ahaan jirey libaaxyada Afrika.