Madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa ka degey magaalo xeebeedka kismaayo,halkaas oo uu ka arrimiyo maamulka kmg ee juba Axmed madoobana uu hor boodo.
Booqashadan oo aheyd mid in muddo ah laga dhursugayey ayaa la sheegayaa in ay si wanaagsan u dhacdey maamulka kismaayana uu si heersare ah u soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wafdigiisa iyadoo la filayo in khilaafki iyo madmadawgii u dhaxeyn jirey maamulka kmg iyo dawlada dhexe uu intaas ku dhamaado.
Waa booqashadii ugu horeysey ee uu xasan shekh ku tago tan iyo intii uu madaxweynaha ka noqdey dalka soomaaliya,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo in mudo ahba muran ka taagnaa kismaayo ilaa iyo markii shabaabka laga qabsadey kal hore markii ciidamada kenya ay soo galeen ciidda soomaaliya.




