Iyadoo la sheegayo in m/weyne Xasan Sheekh uu aadayo gobolka J/hoose magaalada kismaayo ayaa waxaa gaarey magaalada Kismaayo ciidamo hor dhac ah oo ah kuwa ilaalada madaxweynaha.
Waxaana ka socda kismaayo qabanqaabada lagu soo dhaweynayo madaxweynaha iyo wafdi uu hugaaminayo,kuwaas oo la sheegayo in ay maalmaha soo socda amba baxaan.
Booqashada m/weynuhu uu kismaayo ku tagayo ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee uu kismaayo ku tago tan iyo intii xasan sheekh qabtey xilka madaxweynaha dalka,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo maamulka kmg ee juba ay heshiis kala saxiixdeen.




