Askar kawada tirsan ciidamada oo geystey dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

0
513

Nin ka tirsan ciidamada dawlada ayaa degmada x/weyne ku diley nin rayid ah,isagoo kusoo cararey dhanka gawaarida blka laga raaco,wuxuuna cagaha la heley gaari buuxa oo dhaqaaqaya waxaana nasiib darro dhacdey in askar ceyrsaneysey askeriga qofka rayidka ah diley ay rasaas ku fureen gaarigii dadweynuhu saarnaayeen ee ninka wax diley fuuley waxaana ku dhaawacmey afar qof oo gaariga saarneyd ah.

Askeriga ninka soo diley ayaa sidoo kale hore usoo dhaawacey labo qof kale waxeyna noqdeen khasaaraha goobta ka dhacey lix qof oo dhaawac ah iyo hal qof oo dhimasho ah waxaana usuuro gashey askerigii wax diley in uu goobta ka baxsado,waxaana ugu danbeyn qabtey askerigii dilka geystey ciidanka boliska degmada x/jajab.

Waa markii ugu horeysey dhawaanahan oo degmada x/weyne uu askeri ciidamada dawlada ka mid ahi ku dilo qof rayid ah,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo hey’adaha amnigu markasta soo saaraan war ka dhan ah askarta hubka ku dhexwadata magaalada muqdisho.