Maxamed Cabdi Xasan afweyne oo berri maxkamad la soo taagayo.

0
622

Maxamed Cabdi Xasan afweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maalinka arbacada oo beri ah maxkamad la hor geyn doono iyadoo lagu eedeynayo ugu yaraan 5 markab oo kan ugu yar laga qaadey lacag dhan 2 million.

Maxamed Cabdi Xasan afweyne ayaa dhawaan laga qabtey garoonka diyaaradaha brussels ee dalka biljemka iyadoo si khiyaano ah loo geeyey dalkaas kadib markii lagu yiri waxaad soo saxiixeysaa heshiis flim burcadbadeed laga sameynayo.

Dad badan oo soomaali ah ayaa aad uga caroodey waxa ay sameysey dawlada biljemka,waxaana laga yaabaa in burcadbadeed uu soo xareeyey Maxamed Cabdi Xasan afweyne ay ku laabtaan burcadbadeednimo si ay ugu aaraan Maxamed Cabdi afweyne,waxeyna tani kusoo beegmeysaa xilli aaney dawlada soomaaliya wali ka hadlin muwaadinkeeda fiisaha ku galey dalka biljemka.