Maxkamadda gobolka banaadir oo xukunno kala duwan ku ridey in kabadan 20 maxbuus.

0
251

Maxkamada gobolka banaadir ayaa xukuno kala duwan ku ridey in ka badan 20 eedeysane oo ku kala eedeysnaa denbiyo kala duwan sida kufsi tuugo iyo isbaaro.

Denbiyada gobolkan banaadir ayaa soo yaraanayey in dhawaalaba kadib markii wax laga bedeley garsoorka,in ka badan kun qof oo gar sugayaal ah ayaa xabsiga dhexe ku jira wuxuuna la ciir ciirayaa eedeysaneyaal aan wali helin in gartooda la qaado.

Maahan markii ugu horeysey ee ay maxkamada gobolka banaadir xukuno ku rido eedeysaneyaal loo heysto denbiyo kala duwan,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan xabsiga dhexe lagala baxey nin dil ku xukunaa oo shabaab ah iyadoo sida la sheegayo la gatey maxbuuskaas xabsiga lagala baxey.