Dawlada mareykanka oo sheegatey in ay ka danbeysey weerarkii duqeynta cirka ahaa ee jilib ka dhacey.

0
244

Dawlada mareykanka ayaa sheegatey in ay ka danbeysey weerar gantaal lagu ridey gaari ay saarnaayeen labo sarkaal oo shabaabka ka tirsanaa,iyadoo dhawaan ay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka sheegtey in ay ka war heysey gantaalka lagu dhuftey gaari marayey gudaha deg. Jilib.

Dawlada mareykanka ayaa si sharci darro ah waxey ka sameysaa dalal badan oo caalamka kamid ah,iyadoo sheegta in ay la dagaalameyso wax ay ugu yeedho Argagixiso.

Maahan markii ugu horeysey ee ay dawladu mareykanku hawlgal ka fuliso,haseyeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo dagaal ba’an lagula jiro xarakada dagaalyahanada alshabaab oo xiriir la leh al-qaaciddada aduunka.