Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka ambabaxey ayaa gaarey dalka ethiopia magaalada adisababa si uu uga qeybgalo shirka dawladaha Africa,oo looga hadlayo maxkamada aduunka iyo doorka africa.
Dawladaha Africa oo u muuqda kuwo awoodooda muujinaya ayaa aad uga horyimid dhawr madaxweyne afrikaan ah oo laga doonayo maxkamada the Heke,kuwaas oo ay kamidyihiin m/weynaha kenya iyo kuxigeenkiisa,madaxweynaha dalka sudaan,iyo kuwa kale.
Maahan markii ugu horeysey ee uu shir uga qeybgalo adisababa m/weyne Xasan Sheekh hase yeeshee wuxuu safarkani kusoo beegmayaa xili la hadal hayo isku shaadheyn xukuumada dalka hugaamisa iyo burburin lagu hayo xaafado dad rayid ahi degenyihiin,halka dhismayaal dawladu leedahey ay dad shacabihi kiro ugu jiraan.




