Maalinkii labaad ayaa waxaa ka socda degmada waaberi burburin iyo barakicin kumanaan qoys oo hoygoodu halkaas ku basbeeley,iyagoon aqoon meel ay aadaan ayey laamiga waranyihiin,waxeyna isugu jiraan caruur haween danyar ah,duqowshin aan dhaqaaqi karin iyo maras aad u jilicsan oo cid u maqan aaney jirin.
Dadkan oo kumanaan qoys ah ayaa qaarkood waxey sharciyada dhulkaas heystaan in ka badan 50 sano,wadanka soomaaliya oo in ka badan labaatan sano dhibaato ka socoto ayaa dadka caqliga u saaxiibka ahi waxey sheegayaan in dadka masaakiinta ah oo awood loo isticmaalo ay ka dhalan karto cuqubo ka timaad xag alle waayo waa madluum taagdaran hadii uu allihiis baryo wuu ajiibayaa waana wax dalka oo dhan wada saameynaya ee halaga tigtoonaado madaxda maanta isleh waligaa cid aadene ah uma baahaneysid,waa in ay ogaadaan in aduunyo tahey silsilad wareegeysa.
Dadkan laga burburiyey guryahooda ayaa caalamka qeylo dhaan u direy iyagoo u sheegey in aaney jirin cid xuquuqdooda dhawraysa,ee laga soo gaaro maadaama aaney isdifaaci karin,hooyo 50jir ah oo lagu magacaabo dahabo ayaa tiri waxaan ku iri askarti guryaha dumineysey war miyaadnaan muslim aheyn ayna ugu jawaabeen maya muslim ma nihin.
Waa wax ku cusub soomaalida naxariisdarada iyo cabsi la’aanta alle oo aad ka dheehaneyso bulshada dhexdeeda iyo ciidamada amniga waxeyna burburintani ku soo beegmeysaa xili xasan sheekh uu dacwo u aadey maanta dalka ethiopia isagoo ka ashtakoonaya maamulka kmg ee juba waana karaamo darro soo ifeysa oo xasan sheekh maxamuud kasoo muuqaneysa ninki shacabki uu u dhaartey dayacey oo dhawri waayey isna karaamo ma helayee aan ogaano halka ay ku danbeeyaan kuwa maanta wax isbidaya.




