Kulanka golaha wasiirada oo looga hadley xog wareysi iyo habeynta xeerar barlamaanka loo gudbinayo.

0
519

Kulanka golaha wasiirada soomaaliya ayaa maanta caadigiisi u dhacey iyadoo uu shir gudoominayey r/wasaraha soomaaliya cabdi faarax shirdoon waxaana warbixin laga dhageystey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim Xuseen Guuleed.

Wasiirada kulankooda ayaa lagaga hadley xeerar ay wasaaradaha qaarkood doonayaan in ay barlamaanka u gudbiyaan,kuwaasoo qaarkood hore loo soo celiyey,waxaana la sheegayaa in xeerka saxaafada mar kale la doonayo in barlamaanka la horgeeyo,sidoo kale waxaa laga hadley amniga iyo sida looga hortagi karo shir qoolada ay maleegaan kooxaha kasoo horjeeda dawlada iyo ciidamada afrikaanka ah ee loo yaqaan Amisom.

Kulanka xukuumada oo ah mid caadi ah ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli lasugayo in xukuumada isbedel lagu sameeyo tira ahaana la kordhiyo,waxaana la sheegayaa in badidooda wasiirada xiligan aaney golaha kusoo noqondoonin,isla markaana uu madaxweynuhu soo celiyey tiro wasiiro ah oo uu gudbiyey cabdi faarax shirdoön SAACID.