Shirka golaha xukuumada oo laga soo saarey qodobo dhawr ah.

0
507

Shirka golaha xukuumadda oo ay gudoomineysey r/w kuxigenka ahna w/arrimaha debedda fawsiyo xaaji yuusuf ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah,kuwaasoo ay kamid yihiin wasiirada oo meel mariyey xeerka isgaarsiinta iyo boostaha iyo sidoo kale soo celinta hantida dawlada gudaha iyo debedda.

Kulanka xukuumadda ayaa dhaca todobaadkiiba labo jeer ayaa markii uu soo dhamaadey waxaa warbaahinta la hadley wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta cabdullaahi ciilmooge faarax isagoo faah faahin ka bixiyey qodobada shirka kasoo baxey.

Kulankan xukuumaddu yeelatey ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo r/w cabdi faarah shirdoon saacid uu dalka ka maqanyahey isagoo ku sugan dalka sacuudiga si uu fasax nasasho ah ugu soo qaato,xukuumada ayaa kulan kasta oo ay kulmaan kasoo saara hadal saxaafada la siiyo dadkuna dhageystaan dibse cidina uma daba gasho in warkaasi fuley iyo in meesha looga wada tagey oo dabeysha uu raacey.