Shekh C/qaadir soomaw afhayeenki ahlusuna oo xabsiga la dhigey.

0
543

Shekh C/qaadir soomow oo ahaa afhayeenka ahlusuna waljameeca ee gobolka banaadir ayaa looga yeerey xarunta CID waxaana loo sheegey in uu xiranyahey uuna ku xiranyahey amar madaxweyne.

Sheekha oo wareysi siiyey idaacadda SkA ayaa sheegey in taliye kuxigenka CID uu u yeerey xarigna uu ku wargeliyey isagoon garaneyn sababta,waxaana sheekha lagu yaqaaney nin taageera dawlada kana soo horjeeda xarakada alshabaab dagaal aad u ba’an oo afka ahna hore ugu qaadi jirey dagaalyahanada alshabaab.

Sheekh c/qaadir soomaw ayaa markii danbe la siidaayey iyadoon waxba la weydiinin lamana garanayo sababta ka danbeysa xariga sheekha iyadoo tani kusoo beegmeysa xili la maqlayey shirar ay ku qaadaceen ururka ahlusuna shir dhawaan culimada soomaaliyeed ugu soo gabangaboobey qodobana ay kasoo saareen kuwaas oo looga soo horjeestey dhaqamada xarakada alshabaab oo dagaal kula jira dawlada federalka iyo ciidamada caawiya ee Amisom.