Madaxweynaha jamhuuriyada prof. Xasan sheekh maxamud ayaa u ambabaxey dalka imaaraadka carabta isagoo beryahan safarro ku kala bixinayey gobolada dalku ka koobanyahey.
Madaxweyne xasan sheekh ayaan la ogeyn safarkan ujeedada uu u aadey dalkaas waxaase wararka qaar ay sheegayaan in ay ku wada kulmayaan c/raxmaan faroole m/weynaha puntland isagoon wali tagin dalka sacuudiga ee xaramaynka ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegayaa in uu aadi doono baydhabo iyo kismaayo oo labaduba ay wadaan abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha iyo madaxda la socota,waxeyna safaradani kusoo beegmayaan iyadoo ay ku beegantahey sanadguradii koowaad ee kasoo wareegtey markii loo doortey madaxweynaha soomaaliya 10/09/2012 mana jirt o wax horumar la taaban karo oo dalka kusoo kordhey.




