In Ka Badan 25-Ruux Oo Geeriyootay Kadib Markii Ay Ku Soo Duntay Kaabo Ay Ka Qodayeen Degmada Kaaraan.

0
577

Sida Ay Sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,in goor dhow Oo Caawa Ah ay caro kaawo ku soo duntay ilaa 35 Oo Dhamaantood Ay ahaayeen shaqaalihii qodayay caro kaawada, isla-markaana waxaa dhamaantood la xaqiijiyay inay ka hoos mareen caro kaawada Ku Soo Duntay.

Dadkaan ayaanan jirin gurmad ballaaran oo ay helayn, marka laga reebo dadka Deegaanka oo la tacaalaaya, sidii ay caro kaawada uga soo saari lahaayeen.

Cali Max’uud Macalin Oo Ah Gudoomiyaha shaqaalaha caro kaawada ayaa ku qaylo dhaamiyay in gurmad deg deg ah, ay u soo diraan Dowladda iyo Taliska Amisom Waxaana Gudoomiyaha uu sheegay inay jiraan dad ku dhintay caro kaawada iyo dad aan weli dhiman, isla-markaana kuwa nool lagama maarmaan ay tahay in la badbaadiyo.