Ciidamo Ka Tirsan Hay’adda Nabad Sugida Oo Gacan Ku Soo Dhigay Ruux Xog’heyn U Ahaa Abu-Mansuur Al-Amriiki.

0
447

Ridwaan Xaaji C/wali Oo Ah Afahayeenka Xukuumadda Saacid Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ciidamada Dowlada Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen C/qaadir C/raxmaan Abiikar Oo Ahaa Xoghayaha Gaarka Ah Ee Abu,Mansuur Al,Amriiki Kaasoo Ay Dhawaan Dileen Ururka Al,Shabaab Oo Uu Qudhiisa Xubin Ka Ahaa Saraakiisha Sar Sare Ee Kooxdaasi.

Sidoo Kale Afahayeenka Ra’iisul Wazaaraha Soomaaliya Ayaa Xusay In Ninkaani Gacanyaraha U Ahaa Sarkaalkaasi Ajinabiga Ahaa Uu Waayahanba Ku Dhuumaaleesanayey Gudaha Magaalada Muqdisho Islamarkaana Ay Ciidamada Amaanka Ay Ka War Heleen Kadibna Ay Ku Dhaqaaqeen In Ay Gacanta Ku Soo Dhigaan Haatana Ay Ku Hayaan Xarunta Nabad Sugida Ay Ku Leedahay Muqdisho Baaritaanna Ay Haatanba Ku Wadaan.

Ciidamada Dowlada Gaar Ahaan Kuwa Nabad Sugida Ayaa Waayahanba Waxa Ay Wadeen Howlgalo Ay Ku Baacsanayaan Haraadiga Al,Shabaab Ee Ku Dhuumaaleesanayo Muqdisho Iyagoona Howlgaladdii Ugu Dambeyey Ay Ku Guuleesteen In Ay Gacanta Ku Soo Dhigaan Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab Kuwaa Oo Ku Dhuumaaleesan Jiray Xaafado Ka Tirsan Degmoyinka G/Banaadir.