Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo ka furmay Kampala iyo Madaxweynaha oo gaaray.

0
491

Madaxweyanaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaamiyay ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.
Wafdiga madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya kulan looga hadlayo arrimaha Somalia kaas oo ay dalkaas ku yeelan doonaan dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Somalia.
Dalalka Uganda,Burundi,Jabuti,Ethioia,Kenya iyo Seriliyoon oo ay ciidamo ka joogaan dalka Somalia ayaa shir ugu furmayo maalinta barito dalka Uganda ooo ahaa dalkii ugu horeeyay ee ciidamo keena dalka Somalia.
Kulanka madaxda ay barito furmayo ayaa waxaa si hordhac ah kulan u yeeshay maanta wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Uganda,Burundi,Somalia,Kenya,Sera Lione.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani ayay kawada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal.