Howlgalo ay ciidamada ka sameeyen Muqdisho oo lagu soo qab qabtay hub iyo dad lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin AL Shabab.

0
579

Wararka ka imaanayo degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in howlgalo ay ciidamada amaanka ka sameeyeen degmadaas ay kusoo qab qabteen dad lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al Shabab kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka dambeeyeen weerar dhawaan loo gaystay guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Yacfaan.
Dadka lasoo qab qabtay ayaa waxaa kamid ah haweenay la sheegay inay ka tirsan tahay kooxda AL Shabab taas oo laga hellay bistoolado iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro guri ay leedahay.
Ciidamada ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen hub kala duwan sida Pistoolado, miinooyinka cul culus iyo bamka gacanta laga tuuro.
Xarunta C.I.D-da ayaa lagu soo bandhigay eedeysanayaashaan iyadoo haweenayda ay sheegtay inay gurigeeda ay dhigteen kooxo ka tirsan AL Shabab islamarkaasna cabsi awgeed ay u heysatay hubkaas.