C/kariin Xuseen Guuleed oo Shaaca Ka Qaaday In ay Gacanta Ku Dhigeen 17 Unug oo Ka Tirsan Xarakada Al Shabaab

0
486

Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha IYo Amniga Qaran Ee Xukuumada Saacid Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo Shir Jaraa’id U Qabtay Saxaafadda Muqdisho ayaa Shaaca Ka Qaaday In ay Howl Galadii Ugu Dambeeyey oo ay Ciidamada Sirdoonka Dowladda oo Kaashanaya KUwa Ammaanka ay Ka sameeyeen Magaalada Muqdisho Lagu So Qabtya Ilaa Iyo 17 Unug oo Ka Tirsan Xarakada Al Shabaab

Sidoo Kale Wasiirka ayaa carabka Ku Dhuftay In Ragga La Soo Qabtay ay Qorsheynayeen Falal Ammaanka Ka Dhan ah Isla Markaana ay Qorshahooda Ka war heleen Ciidamada Sirdoonka Dowladda

” Wadarta Guud Ee Ragga Aan Soo Qabanay Waxa ay Gaarayaan Ilaa 39 Ruux oo Waxa ay Unugtiiba K aKoobnayen3 Ilaa Iyo 7 Ruux waxa ayna Nabadiidkaani abaabulayeen Falal Amni Darro ah ” Ayuu Yiri wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaran

Ugu Dambeyntii C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa Cadeeyey In Howl Galadaani ay Ka Dhaceen Degmooyin badan Oo Ka tirsan Gobolka Banaadir Waxa Uuna Hadalkiisa KU soo aadayaa Xilli Maalin Habeenba ay Falal Qaraxyo Iyo Dilal Isugu Jir ay Ka Dhacaan Magaalada Muqdisho