Xukuumadda uu hugaamiyo Dr saacid oo magacawdey taliyaha ciidanka Asluubta soomaaliya.

0
573

Kulan ay maanta yeesheen xukuumada uu hugaamiyo cabdi faarax shirdoon ayaa waxaa lagu magacaabey taliyaha ciidanka asluubta soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada ridwaan xaaji c/weli oo saxaafada la hadley kulanka kadib ayaa sheegey in gen. Xuseen xasan loo magacaabey taliyaha ciidanka asluubta soomaaliya,iyadoo dhawaanahan ay ka imaneysey qeylo dhaan la xiriirta nolosha ciidamada asluubta iyo caafimaadka maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee muqdisho,kaas oo ay ku jiraan tiro maxaabiis ka badan intii loogu talagaley maadaama uu yahey xabsiga kaliya ee dawladan hadda jirtaa ay maamusho.

Waxaana la filayaa in ay wax ka bedesho cabashooyin ka imanayey ciidanka asluubta iyo maxaabiista ay hayaanba magacaabista taliyahan cusub,lamana oga janankan cusubi in uu yahey mid ka mid ahaanjirey ciidamada asluubta iyo in uu ka yimid ciidamada kale ee qaranka.