Talibanka oo qoraal Jawaab ah u diray Gabarta reer Pakistaan ee Malala.

0
1050

Malala-yousafzaiKooxda Talibanka ee ka dagaalanta dalka Pakistaan ayaa waraaq jawaab ah u diray gabarata lagu magacaabo Malala oo horey uga bad baaday isku day dil ay ka danbeeyeen kooxdaasi Taliban.
Malala Yousafzai oo ah gabar 16 sano jir ah ayaa si weyn ugu ololeysa waxbarashada gabdhaha reer Pakistaan, waxayna todobaadkii hore khudbad ka hor akhrisay shirweyne ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobay oo abaal-marin lagu gudoonsiiyey.
Qoraalka ka yimid Talibanka ayaa loogu sheegay Malala in weerarkii ay kusoo qaadeen kooxda Talibanka uusan wax xiriir ah la lahayn ololaheeda waxbarashada gabdhaha oo ay wado, balse uu weerarkaasi uu salka ku hayey aflagaadada ay shaqsiyan u geysato qorshaha Talibanka ee ah in dalka Pakistaan lagu dhaqo Shariicada Islaamka.
Talibanka ayaa qoraalkooda ku sheegay inaysan kasoo horjeedin waxbarashada gabdhaha iyo caruurta dhamaantooda balse ay kasoo horjeedaan cidii diinta Islaamka wax ka sheegta.
Malala ayaa dhaawac culus madaxa kasoo gaaray kadib markii bishii Oktober ee sanadkii 2012 lagu weeraray magaalada Mingor ee dalkaasi Pakistaan, waxaana in muddo ah lagu daaweenayey UK, waxayna tan iyo markii ay isbitaalka kasoo baxday waday inay dib u bilowdo ololaheedii wacyigelinta dhanka waxbarashada gabdhaha ku dhaqan dalkaasi Pakistan.