Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun:Allaha u naxariistee waxaa caawa lagu diley agagaarka isbitaalka Al-xayaat Dr cismaan c/raxmaan macalim fiqi.

0
558

Allaha u naxariistee waxaa caawa lagu diley isbitaalka alxayaat agtiisa isagoo kasoo baxey salaadii taraawiixda Ex-DR Cismaan C/raxmaan Macalim Fiqi oo ahaa taqtar xaga ilkaha ku taqasusey.

Taqtarka ayaa allaha u naxariistee waxaa toogtey rag ku hubeysan bistoolado,lamana garanayo sababta ka danbeysa ee taqtarka loo toogtey,mana aheyn nin ku lug leh siyaasadaha isdiidan ee soomaaliya ka jira balse wuxuu ahaa nin bulshada u dhaxeeya,mana jiraan wax ciidan ah oo soo gaarey halka taqtarka lagu diley kooxihii dhagar qabayaasha taqtarka allaah ku sababey iyagaa dhib weyn xambaarteye,goobta wey ka baxsadeen.

Maahan markii ugu horeysey oo la toogto qof bulshada qiimo weyn u leh,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo bishan ramadaan dhexdeeda ay bateen dilalka loo geysanayo dad isugu jira masuuliyiin iyo dad rayid ah oo aan wax xil ah cidna u heyn iskood mooyee, waxeyna xukuumadu ku faantaa maalin walba in ay amniga wax weyn laga qabtey leyskuna haleyn karo nabadgelyada magaalada muqdisho.