Xukuumadda uu hugaamiyo dr cabdi faarax shirdoon ayaa maanta ka hadashey qadiyada gobolada jubooyinka,iyadoo wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta c/shakuur cali mire oo warbaahinta la hadley uu sheegey in xukuumada soomaaliya ay soo jeedineyso talooyin wax loogu yeerey oo kamid yihiin:
1 xukuumadu waxey talo kusoo jeedineysaa in la bedelo secter2 amisom ee gobolada jubooyinka.
2 xukuumadu waxey ka xuntahey sida ay u dhaqmeen ciidamada secter2 ee amisom dagaalka kismaayo ka dhacey.
3 xukuumada soomaaliya waxey codsaneysaa in gudi xaqiiqo raadin ah loo diro kismaayo.
4 xukuumada soomaaliya waxey ciidamada kenya ka dalbaneysaa in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo lana keeno saldhigiisa kornel cabaas oo aan meel uu ku xiranyahey la ogeyn.
Waa markii ugu horeysey ee ay xukuumada dr saacid ka hadasho arrimaha kismaayo,waxaana la sheegayaa in dagaal aad u ba’an uu maanta ka dhacey kismaayo iyadoo waliba la sheegayo in gufsi faraxumeyn ay kismaayo ka dhacdey bililiqana laga soo sheegay meelaha qaarkood,taas oo ugu muuqatey dad badan oo masuuliyiin ah iyo qaar kamid ah xubnaha barlamaanka soomaaliya.
Xildhibaan daahir amiin jeesow ayaa si cad usoo jeediyey in ciidamada dalka kenya ka baxaan dalka soomaaliya maadaama ay ku tunteen mandeytki ay heysteen oo ahaa in ay amniga kala shaqeeyaan dawlada soomaaliya,ciidanki dawlada ayey laayeey qaar isdhiibeen qaarna xirxireen ayuu ku andacoodey xildhbaan daahir amiin jeesaw.
Soo shaac baxa warkan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo la sheegayo in ciidamada kenya ka qeyb galeen dagaalka kismaayo iyagoo garab siinaya ciidamada sheekh axmed madoobe.




