Munaasabada 1da july oo kusoo gabangabowdey xarunta gaadiidka booliska soomaaliya.

0
496

Munaasabada 1da jully oo si weyn loo soo agaasimey ayaa waxey ka socotaa xarunta gaadiidka booliska,waxaana kusugan madaxda dalka ugu sareysa sida m/weynaha,gudoomiyaha barlamaanka,r/wasaaraha,golaha barlamaanka xubno ka tirsan iyo xukuumada,sidoo kale waxaa munaasabada kasoo qeyb galey maamulka gobolka banaadir iyo qeybaha bulshada fanaaniinta qaranka,marti sharaf lagu casumey xafladda.

Munaasabada ayaa waxaa looga sheekeeyey halganki gobanimadoonka iyo heerarki uu soo marey iyadoo ay ka hadleen waaya arag usoo joogey taariikhda gobanimada,iyadoo ay ka qeyb galeen madax ka socotey dawlada jabuuti oo uu hor kacey wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta oo kamid ah wasiirada jamhuuriyada jabuuti.

Munaasabadan ayaa kusoo beegmeysa 53 guradii kasoo wareegtey 1960ki,sidoo kale iyadoo uu dagaal kasocdo magaalada kismaayo iyo hugaamiye díineeka xasan daahir aweys oo xabisan meel wax yar u jirta meesha ay xaflada iyo damaashaadka xoriyada waxa lagu sheegey ay ka dhaceyso,waxaa xaga amniga sugaya ciidamo la magac baxey Amisom oo qaarkood ay xasuuq ka geysteen gobolka j/hoose magaalada kismaayo,waxaana ugu danbeyntii warka kusoo gabangabeeyey m/weynaha dalka xasan gurguurte oo yiri waxaan rabaa in aan hal su’aal idinweydiiyo,qof kasta oo soomaali ah waxaan ka rabaa waxa uu ku bixin karo ama uu u bixin karo xoriyada iyo midnimada?
Isagoo yiri qudbadeyda berri ayaan u dhigtey waxaanan idin leeyahey hambalyo hambalyo hambalyo.