Waxaa saakay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport kasoo degay wafdi uu hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamanka Mahad Cabdalla Cawad oo dhawaanahan safar ugu maqnaa dalka Ingiriiska.
Safarka Guddomiye xigeenka 2-aad Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa ku wehliyay Xubno ka tirsan barlamaanka somalia kuwaas oo howlo shaqo ku aaday dalka Ingiriiska.
Wafdigaan ayaa markii ay soo gaareen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Xildhibaano kale iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda somalia.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradah Aadan Cadde wuxuna ka warbixiyay safarkii uu ku tagay dalka ingiriiska iyo kulamo uu lasoo qaatay madax ka tirsan Barlamanka ingiriiska iyo hishiisyo ay lasoo galeen dhigooda Ingiriiska.
Mudanayashan Barlamanka ee uu horkayay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa intii ay jooogen Britain waxay kulamo la yeesheen Jaaliyadaha somaliyeed ee ku sugna dalkaas.
Wafdigan ka socday Baarlamanka Soomaaliya oo booqasho ku tegay dalka Ingiriiska ayaa waxa muddadii ay joogeen Britain ay kulamo la qaateen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.




