General C/risaaq Qaliif Cilmi oo ah Abaanduulaha ciidamada militariga dalka Somalia ayaa sheegay inay ciidamadooda ku guulaysteen sugidda amaanka goobaha ay baneeyenciidamada Ethiopian-ka ee dhawaan isaga baxay Baydhabo.
Taliye ku xigeenka Militariga somalia C/risaq Qaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ka baxay gobolka Baay ay sii joogidoonaan qeybo ka mid ah gobolka Bakool, isagoo xusay inuu jiridoono xiriir iyo wadashaqeyn buuxda oo ay la leeyihiin ciidamada Ethiopia.
Abaanduulaha ayaa hoosta ka xariiqay in ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee Baydhabo uusan saameyn ku yeelandoonin ammaanka guud ee gobolka wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorshaha socda uu yahay sidii la isugu furi lahaa waddada isku xirta gobollada Gedo iyo Baay.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay sheegeen inay la wareegeen saldhigyadii ay baneeeyeen ciidamada Ethiopian-ka ee magaalada Baydhabo kuwaas oo dhawaan isaga baxay magaladaas.





