Xaaladda Xabsiga Baydhabo oo laga deyriyay iyo Taliska Xabsigaas oo codsaday in gargaar lala soo gaaro maxaabiista xabsigaas.

0
581

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda maxaabiista ku jirto xabsiga magaaladaas ay haysato dhibaato dhanka nolosha ah.
Gaashanle sare Yuusuf Cali Cabdi oo ah Taliyaha Xabsiga Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay jirto nolol xumo lasoo daristay maxaabiista ku jirta xabsigaas isla markaasna sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto.
Taliyaha Xabsiga Baydhabo Yuusuf Cali Cabdi ayaa intaas ku daray inuu ka codsanayo hay’adaha gar gaarka iyo kuwa dowladda uu ka codsanayo inay kaalmo dhanka cuntada iyo Daawada ay lasoo gaaraan Maxaabiistaas.
Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo laga dayrinayo xaaladda Maxaabiista ku jirta xabsiga gobolka Baydhabo xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka.