Ugu yaraan sadex qof ayaa ku geeriyootay, sadex kalena wey bku dhaawacmeen ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayey degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Gaarigan oo noociisu ahaa Homey ayaa ka soo ambabaxay saaka magaalada Baydhabo, isagoo ku soo jeeday Muqdisho, waxaana markii uu marayey degaan lagu magacaabo Qardho oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Wanle-weyn iyo degaanka Leego ee gobolka Sh/hoose ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in darawalka gaariga waday uu diiday amar uga yimid kooxaha hubeysan oo burcad ahaa oo doonayey iney baaritaan rakaabka gaariga la socday, taasoo keentay iney rasaas ku furan gaarigaas markii uu xoog ku dhaafay.
Dableyda falkaas geysatay ayaa goobtaas ka baxsatay, iyadoo dhaawacyada iyo meydadka dadka dhintay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee dhibaato noocan ah wadadaas loogu geysto gaadiidka rakaabka ah ee u kala goosha gobolada Bay iyo Sh/hoose.




