Wadahadaladii u dhaxeeyey soomaalida waqooyiga iyo koonfur oo turkiga ka furmaya mar kale.

0
594

Wufuudan ka kala socota labada dhinac ee wadahadaladu u socdeen soomaalidana wada ah ayaa maanta ka kala tagey xarumahooda muqdisho iyo hargeysa,iyagoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay indhawaalaba gogosha wada hadaladu taaley.

Waxaana muuqda murano iyo wajiyo cusub oo xubnaha labada dhinac hareeyey,iyadoo dadka siyaasada odorasa in aaney xawli ku socon wadahadalada u socda maamulka s/land iyo dawlada federalka soomaaliya.

Shirkan turkiga uga furmaya axadda ama isniinta bilasha bisha ramadaan ka hor ayaa laga arkayaa xubno wajiyo cusub oo aan wada hadalada hore ugu jirin ama mar ka qeybgaley hadana kusoo biirey sida wasiirki hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xildhibaan c/samad shekh maxamuud oo wada hadalada bilaabey balse kulanki ugu danbeeyey aan ku jirin hada wuu kusoo laabtey,c/hi shekh ismaaciil iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xiligan c/kariim xuseen guuleed iyo xubno kale oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro waxey ka baxeen muqdisho,iyadoo dhanka kale xaga hargeysa uu ka maqanyahey gud.xisbiga ucid faysal cali waraabe uu aad u weerarey wasiirka madaxtooyada s/land ninka lagu magacaabo xirsi,kuna eedeeyey feysal in la kala garan waayey in uu s/land yahey iyo in uu muqdisho yahey.

Faysal cali waraabe oo isna ka jawaabayey eedaas ayaa yiri waxaanu markii hore shirarka uga qeybgeli jirney talo wadaag,hadase waa group iyo koox inan yari horboodayo ee waqti yaan leysaga lumin,isagoo diidey in uu cadeeyo mawqifkooda ka xisbi ahaan waxa shirka kasoo baxa in ay aqbalayaan iyo inkale,waxaana habsocodka shirka shaki gelinaya ismaandhaafka kasoo cusboonaadey gudaha maamulka somaliland,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo maamulka puntland uusan la dhacsaneyn wadahadalada iyo sida aysan puntland qeyb uga aheyn dadka wadahadaladu u socdaan.