Shirkan mu’asasada fekerka carbeed oo ay isugu yimaadeen dhalinyaro soomaaliyeed oo tiradoodu ku dhawdahey 200 ayaa muqdisho ka dhacey,kaas oo ay kasoo qeybgaleen madax katirsan dawlada sida wasiiro,xildhibaano,agaasimayaal,iyo qeybaha ururada bulshada soomaaliyeed,xisbiyada dalka qaarkood,odayaasha dhaqanka ayaa waxaa lagaga doodey sida ay suuragal u noqon karto in dhalinyarada soomaaliyeed shaqo loo abuuro,isla markaana qeybtooda ka qaataan dhalinyarada soomaaliyeed fekerka carabta maadaama uu dalkeenu kamid yahey ururka jaamacada carabta.
Shirka oo ay ka hadleen qeybo kamid ah kasoo qeybgalayaashi shirka iyagoo dhamaantood sheegey iskuna raacey in loo baahanyahey fekerka carabta aadna moodo in walaalaha carbeed ay ka gaabiyeen fursado iyo firficooni ay ku lahaayeen guud ahaan dalka soomaaliyeed gaarahaan dhalinyarada soomaaliyeed,mar horena loo baahnaa fekerkan iyo dhaqdhaqaaqa carabta aynu walaalaha nahey,dhinacyo badan.
Safiirka soomaaliya u qaabilsan mu’asasada fekerka carbeed ustaad Jabriil Shekh Cumar oo kulankan soo qabanqaabiyey ayaa si aad ah ugu dheeraadey sida loogu baahanyahey in dhalinyarada soomaaliyeed wax la qabsadaan dhalinyarada carbeed,isla markaana ay xaq u leeyihiin dhalinyarada soomaaliyeed wixii horumarin ah ee ay helaan dhalinyarada carbeed.
Safiir Jabriil Sheekh Cumar ayaa sheegey in fekerka waxgaradka,siyaasiyiinta,iyo dhalinyarada ay geyn doonaan shir ka dhici doona dubai dalka imaaraadka carabta bisha disenbar ee sanadkan 2013ka,sidoo kalena uu shirkaas ka jeedindoono fursadaha shaqo abuurista dhalinyarada soomaaliyeed iyo sida loo hirgelin karo,si buu yiri loo badbaadiyo dhalinyaro tahriib hada u diyaarsan,kuwo laga baqayo in ay ku biiraan burcad badeed iyo loo adeegsado waxyaabo aan habooneyn,ayna rajeynayaan in walaalaha carbeed qeyb ka qaataan sidii dhalinyarada soomaaliyeed oo dhamaantood dhashey intii burburka lagu jirey,waligoodna aan arkin nidaamka dawliga ah sidii lagu badbaadin lahaa,wuxuuna safiir jabriil shekh cumar uga mahadceliyey xubnihii shirka Mu’asasada fekerka carbeed kasoo qeybgaley,wuxuuna shirku kusoo dhamaadey jawi hagaagsan iyo is afgarad.




