Shirweynahan oo ay ka qeybgaleen Golaha shuurada ee Jamaacada Al-Ictisaam oo ahaa kii 18-aad ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubnaha ugu sareeya Jamaacada iyo sidoo kale xubno ka socday Xarakaadka Islaamiga ah ee ka jira dalka gaar ahaan Xarakada Islaax,Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed iyo Culimo kale oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Shirka oo soconaye muddo saddex cisho ah ayaa culimadda waxa ay ku falanqeeyeen doorka kaga aadan wacyigelinta Bulshada iyo xaalada guud ahaan dalka,waxaana gaba-gabadii laga soo saaray bayaan ka koobnaa ilaa iyo 17-qodob oo ku wajahnaa Bulshada,masuuliyiinta Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.
Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Jamaacada Al-Ictisaam Sheekh Axmed Cabdi Samad Abdule,ayaa ugu horeyn halkaasi ka aqriyay bayaanka oo lagu xusay in lagama maarmaan ay tahay in wax waliba lagu saleeyo diinta Islaamka.
Amiirka Guud ee Jamaacada Al-Ictisaam Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo hadal qaaday,in horumarka iyo dib udhiska dalka ay muhiim u yahay in helo dad ka shaqeeya oo dhinac waliba ka dhisan,isaga oo sharaxay waxyaabihii dib udhaca dalka ku keenay.
Ugu dambeyn madasha ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Xubnihii kale ee ka socday Xarakaadka Islaamiga ah ee dalka ka jira,iyaga oo isla qiray in loo baahan yahay in la mideeyo Jamaacaadka dalka si bulshada ay ugu ifiyaan muhiimada diinta islaamka,waxaana Cuilmadaasi ka mid ahaa Sheekh Cismaan Ibraahin Axmed,masuul ugu sareeya Xarakada Islaax Soomaaliya,Sheekh Aadan Cilmi Cumar oo kamid ah xubnaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed iyo xubno kale.




