Iyadoo horey ay uga hadleen Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya xariga Xasan Dahair aweys ayaa maanta waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon kadib markii uu ku booqday Xabsiga.
Xaalada Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu sheegay inay tahay mid aad uwanaagsan oo subax waliba looga warkeeno sida uu ku sugan yahay,wuxuuna umahadceliyay odayaashii ka keenay Cadaado Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Isaga oo sii hadlaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu soo hadal qaaday in laamaha ammaanka dalka ay isla garteen qorshe cusub oo lagu xaqiijinayo ammaanka dalka Soomaaliya,xilli mudooyinkaan dambe Shabaab weeraro ay ka geysanayeen Magaalada Muqdisho.
Xasan Daahira Aweys ayaa u xiran dowladda Soomaaliya mudo ka badan todobaad.
Hogaamiyahaani ayaa xarigiisa waxaa ka dhashay muran u dhaxeeya beelaha Habargidir oo doonaya in lasii daayo iyo dowladda oo wali aan cadeyn go’aanka ay ka qaadaneyso arrintaani.




