Saldhiga Awdiinle oo uu qarax xoogan ka dhacay

0
502

Wararka ka imaanaaya Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in Saldhiga Awdiinle uu ka dhacay qarax aad u xoogan.

Qaraxa ka dhacay Saldhiga Booliska ee Deegaanka Awdiinle, ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa midda miinada loo yaqaano, waxaana loo maleynayaa in halkaasi horey loogu sii diyaariyay.

Iyadoo ay ku sugnaayeen qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa goobtaasi markaliya laga maqlay qarax aad u xoogan, kaasoo wax yeelo u geystay Ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Ilo madax banaan ayaa waxay xaqiijiyeen in uu ku dhintay mid kamid ah Ciidamada Dowladda, iyadoo seddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Gobolka Baay ee Dowladda ayaan ka hadlin qaraxa xoogan ee ka dhacay Saldhiga Awdiinle, iyadoo qaraxaan uu noqonaayo noociisii ugu horeeyay ee ka dhaca Saldhigaasi.