Ugu yaraan lix ruux ayaa ku naf weysay in ka badan 10 kalena wey ku dhaawacmeen dagaal maanta barqanimadii ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia ku dhexmaray degaanka Muuri ee gobolka Sh/hoose.
Dagaalkan ayey wararku sheegayaan inuu bilowday markii ciidamo ay isbaaro u tiilay inta u dhexeysa degaanada Muuri iyo Km50 ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo kale oo ka yimid dhinaca magaalada Marko.
Labada dhinac ayaa waxaa halkaas ku dhexmaray dagaal culus oo aan waxba la iskula harin kaasoo sababay dhimashada 6 askari iyo dhaawaca 12 kale oo dhinacyada dagaalamay ka wada tirsan, iyadoo ay jiraan warar khasaaraha intaas ka badinaya.
Gudoomiye ku-xigeenka degmada Afgooye ee dhinaca amniga Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in dagaalkaas uu salka ku hayey aano qabiil, uuna dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada oo labo beelood ka soo kala jeeda, isagoo qiray inuu jiro khasaare fara badan oo dagaalkaas ka dhashay.
Degaanka Muuri ee saaka dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa gaaray ciidamo kale oo ka tirsan milateriga Somalia kuwaasoo kala kaxeeyey ciidamadii dagaalamay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in halkaas ay weli ka taagan tahay xiisad, waxaana meydadka iyo dhaawacyada askarta dagaalkaas uu salfaday loo soo qaaday magaalada Muqdisho.