Guddoomiye Tarsan”Dowladda Kenya Midab Takoor ayay kula kacdaa Dadka Somaliyeed ee la socda Duulimaadyada ka yimaado Muqdisho ee ku jeeda Neirobi.

0
567

Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta si kulul u weeraray dowladda Kenya oo uu sheegay inay si aan wanaagsayn ula dhaqma dadka Somaliyeed ee la socda duulimaadyada ka yimaado magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia ee kusii jeeda magaalada Neirobi kuwaas oo safarkooda ay ku qaadato saacado badan.
Duqa Magaalada Muqdisho Mr Tarsan ayaa intaas ku daray in duulimaadyada ka yimaado Magaalada Neirobi ee kusoo jeedo Muqdisho iyo magaalooyinka kale qaadato saacado yar halka marka duulimaad uu ka yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Somalia ay ku qaadato saacado badan iyadoo baaritaanno uu ku sheegay inay yihiin kuwo bahdil ah lagu sameeyo Dadka Somaliyeed.
Ilaalada garoomada dalka Kenya ayaa la sheegay inay si xoogan u baaraan rakaabka la socda duulimaadyada ka yimaado dalka Somalia iyagoo taasna ku macneeyay inay kacabsi qabaan falal argagixiso oo dalkaas loo gaysto waxaana ciidamadaas ay sameeyaan inta badan oo xad gudub ah.
Guddoomiye Tarsan ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad xariga looga jarayay duulimaad cusub oo shirkadda Duulimaadka dalka Uganda Air Uganda ay ka bilaabayso dalka Somalia kaas oo todobaadkii saddex maalin ka sameenayso.