Maxkamada Ciidamada Qalabka
Sida oo xukuno dil ah ku riday
laba kamid ah Ciidamada
Nabad Suggida
waxayna maanta go’aan adag ay ka gaartay, laba kamid
ah Ciidamada Hay’adda Nabad
Suggida, oo siyaabooyin kala
duwan u dilay laba nin oo shacab
ah.
C/laahi Maxamed Muuse Keyse oo kamid ah Saraakiisha
Maxkamada Ciidamada Qalabka
Sida ee Darajada 1-aad, ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay
ujeedadii ka dambeysay, in
xukunada dilka ah Uu ku kala rido labadaan askari Ka Tirsanaa Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya.
Sidoo Kale Col,C/Laahi Maxamed ayaa wuxuu sheegay in Mahad Maxamed Cali
iyo Aweys Axmed Xasan, ay ku
cadaatay inay siyaabooyin kala
duwan ay u dileen Azad C/laahi
oo darawal ahaa iyo C/risaaq Maxamed, oo isna ahaa qof shacab ah Siduu Sheegay.
Baaritaano dheer Kadib ayuu hoosta ka xariiqay inay u
cadaatay inay dilalkaan u
geysteen si ula kac leh, isla-markaana ay Maxkamadu ku
rideyso sida uu sheegay xukuno
dil ah.
Wuxuu Cornel,ka xusay in aanu wax ka noqosho ah
laheyn xukunada ay Maxkamadu
ku riday labadaan askari, isla-markaana ay suggayaan sida uu
hadalka u dhigay inta looga fulin
doono.
Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ay Ku Riday Askartaani Ka Tirsan Nabad Sugida Ayaa Imaanaya Xilli Madaxweynaha Dowladda
Federalka ee Soomaaliya Prof.
Xasan Sheekh Maxamuud, uu horey u sheegay in askari
kasta oo dil iyo kufsiba geysta,
uu xukunkiisu noqon doono sida
uu sheegay dil.




