Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Ra’iisul Wazaaraha Dalka Japan.

0
612

Prof. Xasan Sh.Max’uud Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya ayaa
maanta u mahadceliyey Ra’iisul
Wasaaraha Japan Shinzo Abe
iyadoo maanta shirkii TICAD V lagu soo gabogabeeyey
Yokohama.

Madaxweynaha Somalia ayaa si
kal iyo laab ah ugu mahadceliyey
Ra’iisul Wasaaraha Japan sida
quruxda badan ee wafdiga madaxweynaha loogu soo dhoweeyey dalka Japan iyo sida
uu doorka hoggaamineed u
qaatay inuu garab istaago Soomaaliya Iyadoona Uu Madaxweynaha kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda
FAO iyo UNEP.

Sidoo Kale Madaxweynaha iyo
Agaasimaha Guud ee FAO Dr Jose
Grazvano Da Silva ayaa ka wada
hadlay sidii FAO ay mashaariic
horumarineed uga fulin laheyd
Soomaaliya oo ay doorka dib u
dhiska iyo horumarka dalka uga
qeyb qaadan laheyd.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hay’ada
FAO ay u soo guureyso Muqdisho
isla markaana laba jibaareyso howlaha ay ka waday Somaliya Waxaana Sidoo kale kulankii uu madaxweynaha la yeeshay Agaasimaha Guud ee hay’ada
UNEP ee QM u qaabilsan arrimaha
deegaanka ka codsady hay’addan
inay shacabka Soomaaliyeed ka
saacido xaalufinta dhirta iyo deegaanka, gaar ahaan dhuxusha la dhoofiyo oo uu
madaxweynaha sheegay inay
sharci darro tahay isla markaana
ay wax u dhimeyso deegaanka dalka.