Kismaayo oo saaka degan iyo barakac laga dareemayo Xaafadihii dagaaladu saameeyeen.

0
493

Waxaa saaka degan xaalada guud ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeya kooxo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah madaxweynayaasha faraha badan ee Jubba-land.
Barakac xoogan ayaa laga dareemayaa xaafadihii uu dagaalku saameeyey maalmihii la soo dhaafay, kaasoo ay sameynayaan dadweynihii ku noolaa oo ka baqdin qaba in mar kale dushooda lagu dagaalamo iyagoo aaminsan in xaalada aan la isku haleyn Karin.
Qaar ka mid ah dadka barakacaya ayaa sheegay in guryo ay degenaayeen qoysas deris la ahaa ay shalay ku habsadeen madaafiic hoobiyeyaal intii dagaaladu socdeen kuwasoo ay sheegeen iney khasaare nafeed geysteen.
Jidadka Kismaayo qaarkood ayaa waxaa lagu arkayaa qulqulka dad fara badan oo ka soo hayaamay xaafada Calanley iyagoo ku sii jeeda qeybaha nabdoon ee magaalada iyo degaano miyi ah oo ka baxsan Kismaayo.
Ugu yaraan 20 ruux oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ahaa ayaa inta laga warqabo ku geeriyootay dagaaladii labada maalmood ka socday Kismaayo, halka in ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana ka mid ahaa dadkaasi qoys uu ku habsaday gurigooda madfac ka mid ah madaafiicdii la isku weydaarsaday dagaalka.
Dhinaca kale, inkastoo xaaladu ay tahay mid degan saaka haddana waxaa jira xiisado colaadeed oo keeni kara in dagaalo kale ay dhacaan, iyadoo labada dhinac ay weli hawada isu marinayaan hanjabaado kulul.

Ciidamada siyaasiga Iftiin Xasan Baasto oo shalay Jabhada Raaskamoobni ay sheegtay iney magaalada ka saareen ayaa la soo sheegayaa iney isku urursanayaan meelo aan ka fogeyn goobihii shalay dagaalamay iyagoo qorsheynaya iney duulaan rogaal celis ah soo qaadaan sida wararku sheegayaan.