Falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka Max’ud Carab ee radio sky(N. R. C) Norwegian Refugee Council.

0
520

Xubinteena falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka Max’ud Carab ee radio sky waxaan kusoo qaadaneynaa hey’adda NRC oo micnaheedu yahey(NORWEGIAN REFUGEE COUNCIL) Golaha qaxootiga dadka reer norwey.

Hay’addan oo ah hey’ad dawli ah sida magaceeda ka muuqata waxey wada shaqeyn leeyihiin qaar kamid ah hey’adaha qaramada midoobey sida hey’adda (UNHCR) waxaan fan siiya caalamka oo dhan gaar ahaan dadka reer norway.

Waxey hey’addani soomaaliya joogtey tan iyo burburki dalka soomaaliya,waxeyna kamid aheyd hay’ado xarakada alshabaab mamnuuceen iyagoo ku eedeeyey in shaqaalahoodu ay basaasiinyihiin hawsha ay sheegtaan in ay ku shaqeeyaana ay mid kale ugu hoos jirto.

Waxey sheegaan in ay caawiyaan dadka qaxootiga ku ah dal aan dalkoodi aheyn ama gudaha dalkooda ku barakacey,ayna siiyaan daryeelka noloshooda oo dhan sida raashin,biyo,guryo, dawo,musqulo,iyo wixii lamid ah.

Anagoo og in aysan jirin wax muuqda oo ay hey’adda NRC qabatey ama dad ay wax kala qabatey maareynta noloshooda aan isweydiino dadka waqtigan hey’adda maamula,? sida uu falanqeeye qibrad u leh hey’adan oo wariye max’ud carab barnaamijka kala qeybgaley uu sheegey hey’adda waxaa madax ka ah nin kenyan kukuuyo ah oo lagu magacaabo Miyoma,kana soo shaqeeyey xerada qaxootiga dhadhaab ee ku taal dhulka kenya gumeysato ee somaalidu leedahey,wuxuuna halkaa ku galey musuqmaasuq iyo hanti qaxooti uu lunsadey iyadoo ciqaab looga dhigey in uu soomaaliya kasoo shaqeeyo.

Miyoma waxaa hey’adda uga hooseeya sadex nin oo la kala yiraa Axmed saadeq,max’ed deeq,iyo qaasim,sedexduba waa niman ay isfahamsanyihiin Miyoma wax la xistaabtama ama muniter gareeya ma jiraan,waxey sameeyaan mashaariic been ah oo ay sheegaan in ay sameeyaan sida iyagoo dad yar filimo ka sameeya tiro badan oo dad ah iyo waqti badan oo ay hayeena ku xisaab celiya waxaa sidoo kale kharashaad lagu cunaa guryaha oo ay gudbiyaan kiro aad u badan ayna bixiyaan wax yar waxa kalena jeebkooda geliya.

Ma jirto qorshe iyo baahi ay dawlada weydiiyaan ee wixii ay doonaan iyo meeshi ay doonaan niman riwaayadaha ka dhiga,waxaanan sugeynaa in dawlada soomaaliya la xisaabtanto hey’adaha samafalka sheeganaya waxna aan dadka u qabaneyn sidoo kale waa in dawladu dajisaa qorsha mashaariicda,baahidu inta ay la’egtahey iyo goobta laga fulinayo mashruuca isla markaana ku kontoroosho hey’ad kasta oo mashruuc fulineysa,hadii musuq yimaadana sharciga dalku shaqeeyo.