Iyadoo barlamaanka soomaaliya iyo taliyeyaasha hey’adaha amnigu ka wada hadlayeen sidii loo dhawri lahaa xasaanada xubnaha barlamaanka ayaa gudoomiyaha barlamaanku sheegey in 30.000 $ loo jaro agoonta booliska taas oo xisbiga midnimada jamhuurigu ku tilmaamey in ay laaluush u muuqato lacagtaasi ayna tahey in agoonta ciidamada qalabka sida la wada simo maadaama ciidamadu agoon wada leeyihiin.
Kusimaha gudoomiya xmjs ahna gud kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan ka xisbi ahaan soo hadalqaadida uu soo hadalqaadey gud.jawaari in la sameeyo xeerka xisbiyada iyo in dastuurka marka hore la gudagalo lana turxaan bixiyo waxaanan leenahey buu yiri timajilic waa in la hormariyo xeerka xisbiyada,hadii aan gebihaanba laga saareyn dastuurka qodobka tilmaamaya xisbiyada badan.
Dhanka kale timajilic ayaa sheegey in wax laga xumaado ay tahey in xubnaha barlamaanku ay danhooda kala hadlaan saraakiisha amniga ee waxey aheyd in saraakiisha hey’adaha amniga lagala hadlo dhawrista xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed iyo saraakiisha shacabka dalka,isagoo ugu baaqey saraakiisha hey’adaha amniga in la dhawro sharafta iyo karaamada muwaadinka hadii aanu denbi faraha kula jirin,hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan xisbiyo dalka ka jirey in badan oo u olo oleynaya in xeerka xisbiyada la sameeyo lagana qeyb geliyo xisbiyada waqtigan dalka ka jira.




