Dad lagu eedeeyey iney diinta masiixiga ku faafinayeen degaanada Somaliland oo xukuno lagu riday.

0
474

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa maanta xukuno kala gedisan ku riday sadex qof oo isugu jiray haweeney iyo labo rag ah kuwaasoo u dhashay dalka Itoobiya ka dib markii lagu soo eedeeyey iney diinta Masiixiga ku faafinayeen degaanada Somaliland.
Gudoomiyaha Maxkamada magaladda Hargeysa, Garsoore C/raxmaan Maxamed Mawliid ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada ka dib markii la horkeenay markhaatiyo iyo cadeymo kala gedisan, iyadoo maxkamada ay goob joog ka ahaayeen maxkamada diblomaasiyiin Itoobiyaan ah.
“Eedeeysanaha 1aad oo ah haweeney waxaa lagu helay dembiga lagu soo oogay oo ah faafinta diinta Kiristaanka, waxaana lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya labo milyan oo shilinka Somaliland ah iyo in dalka laga masaafuriyo” ayuu yiri gudoomiyaha.
Garsoore C/raxmaan Maxamed Mawliid ayaa sheegay in maxkamadu ay xoriyadooda u celisay labada nine ee kale ka dib markii uu si buuxda ugu cadaan waayey dembiga lagu soo eedeeyey, isagoo xusay in haweeneyda haddii ay bixin weydo lacagaha ganaaxa ah ee lagu xukumay loogu bedeli doono xabsi, wuxuuna tilmaamay in marka la masaafuriyo aysan mar kale dib ugu soo laaban Karin Somaliland.
Xeer ilaalinta Somaliland ayaa ku doo bandhigtay maxkamada afar qof oo markhaatiyaal ah, cajalado iskugu jira CD iyo kuwa caadi ah oo ay ku duuban yihiin casharo ku saabsan diinta Masiixiga oo isku turjumaya luuqadaha Soomaaliga, xabashiga iyo Ingiriiska kuwasaoo lagu soo qabtay eedeeysanayaasha.
Dastuurka u yaala maamulka Somaliland qodobkiisa 5aad, faqradiisa 1aad ayaa dhigaya in diin aan diinta Islaamka ahayn aan lagu faafin Karin degaanada Somaliland uuna arinkaas yahay dembi ciqaab ay ku muteysan karto cidii lagu helaa, waxaana kiiskan uu yahay kii ugu horeeyey noociisa ah ee ay qaadaan maxkamadaha Somaliland.