“Xasan Sh.” Aad Beynu Kaga Mahad Naqeynaa Midowga Yurub, Dadaalkooda Rajada Weyn Nagu Abuurtay.

0
205

Madaxweynaha Somaliya oo
maanta kulan la qaatay Nick
Westcott “Daawo Sawirada”

Xasan Sheekh Max’uud Oo Ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Ayaa
maanta xafiiskiisa ku qaabilay
Agaasimaha Guud ee
Midowga Yurub Mr Nick Westcott
iyo Safiirka Midowga Yurub
Michelle Cervone kalana hadlay
shirka Brussels lagu qaban doono 16ka September 2013 iyo
sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya Iyo Midowga Yurub.

Kadib Kulanka ayey labada mas’uul
shir jaraa’id ku wada qabteen Xafiiska Madaxtooyada oo ay
shaaciyeen in shirka Brussels uu
dhici doono 16ka September
2013 loogana hadli doono sidii
loo taageeri lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh
Maxamud ayaa Midowga Yurub
uga mahadceliyey dadaalkooda
iyo go’aankooda ah inay Xafiiskii
Midowga Yurub ay dib uga
furayaan dalka gudihiisa,
sheegeyna inay shacabka
Soomaaliyeed muhuum u tahay
inay Midowga Yurub dalka
gudihiisa ay ka howlgalaan oo Ay Ka Furaan xafiisyadooda Waxa uuna sheegey in Dowladdu
ay ku taageeri doonto Midowga
Yurub sidii xafiiskaas Muqdisho
looga furi lahaa.

Madaxweyne Xasan Sh.“ Shirka Brussels ka dhacaya 16ka
September 2013 waa mid Dowladdu ay la hortageyso
qorsheyaasheeda dib-u-dhiska dalka oo ka tarjumaya baahida
dhammaan deegaanada
Jamhuuriyadda Soomaaliya,
caalamkuna ay maanta diyaar u
yihiin in la sii xoojiyo guulaha
amniga iyo horumarka ka jira
Soomaaliya oo maanta mareysa
marxalad ka soo kabasho iyo
bilow horumar waxey u
baahantahay kaalmada caalamka,
oo ma jiro dal sida Soomaaliya u
burburtay u burburay, mana jiro
dal ka soo kabtay dhibaatooyinkii
soo maray oo aan caalamku ka
saacidin Aad iyo aad baana uga
mahadcelineynaa Midowga
Yurub dadaalkooda oo rajo weyn
nagu abuuraya.

Ugu danbeyntii Madaxweynahu
waxuu yiri in shirka cida ka
faa’iideysaa ay yihiin shacabka
Soomaaliyeed oo dhan, qorsheyaasha iyo mashaariicda
la horgeynaya ay yihiin kuwo
dalka oo dhan ku baahsan.