Dagaal u dhaxeeya Ciidamada
Sheekh Axmed Maxamed Islaam
“Sheekh Axmed Madoobe” iyo
kuwa Col. Barre Aadan Shire “Col.
Barre Hiiraale”, ayaa wuxuu
gelinkii dambe ee maanta uu ka
dhacay Magaalada Kismaayo.
Dagaalka ayaa yimid markii
Ciidamada Raaskambooni, ay
rasaas xoog leh oodda uga
qaadeen gaari Cabdi Bille ah, oo
ay wateen Ciidamada Col. Barre
Hiiraale, xilli ay marayeen inta u
dhaxeyso laamiga Aargada iyo
Xarunta Gobolka.
Ciidamada
Raaskambooni ayaa waxaa lagu
sheegay iyagoo doonaayay, inay
gaariga kala wareegaan
Ciidamadii Col. Barre Hiiraale,
balse taasi ayaan u suuroobin,
iyadoo Ciidamada Barre Hiiraale
la sheegay inay difaacdaan Waxaana
markiiba soo gaaray
Ciidamadii Barre Hiiraale oo ku
soo biiray iska horimaadkaan,
ayaa wuxuu ballaariyay iska
horimaadkii fool ka foolka ahaa,
ee ku dhex maray meel aan ka
fogeyn laamiga Aargada.
Mid Ka Mid Ah Saraakisha Raaskamboni Bashiir Qamdariiran oo caawa la
hadlay Idaacadaha
Magaalada Muqdisho, ayaa
wuxuu beeniyay in rasaasta ay
hor bilaabeen Ciidamada
Raaskambooni, balse taasi
bedelkeeda ayuu sheegay in
Ciidamada Col. Barre Hiiraale, ay
ku soo fureyn.
Sidoo Kale Qamdariiran ayaa sheegay inay
baacsadeen Ciidamadii Barre
Hiiraale, wuxuuna
sheegay inay ka dileen tiro askar
ah, isla-markaana ay ka
dhaawaceyn tiro kale.
Dhanka Kale Gaashaanle Xaashi C/laahi
oo ka tirsan Saraakiisha
taabacsan Col. Barre Hiiraale ayaa
wuxuu beeniyay hadalka ka soo
yeeray Bashiir Qamdariiran, isla-
markaana wuxuu sheegay in
Ciidamada Raaskambooni, ay
doonayeen inay gaariga ka
dhacaan Ciidamadooda, hase
ahaatee ay ku hungoobeen.
Xaashi C/laahi ayaa ku hadaaqay
in cid kastaa ay ogsoon tahay in
Ciidamada Raaskambooni sida
uu yiri, ay si dulmi leh rasaasta
ugu rideen Ciidamadooda, isla-
markaana ay iska caabiyeen,
ayna wax yeelo u geysteen.
Saraakiishaan ayaan si rasmi ah
u sheegin khasaaraha labada
dhinac ka soo kala gaaray
dagaalada galabta ku dhex
maray Xarunta Gobolka Jubbada
Hoose ee Magaalada Kismaayo Laakiin Warbaahinta reer
Galbeedka ayaa waxay
tabineysaa in dagaaladaan ay ku
dhinteen afar ilaa shan askari, oo
kala taabacsan labada dhinac Ee Ku Dagaalamay Kismaayo.




