Weerarkan lagu qaadey xarunta UNDP ayaa ka koobnaa labo qeybood oo isla socda qeybi waxey aheyd baabuur laga soo buuxshey walxaha qarxa uuna saaranyahey ama wado qof nafti hure ah kaas oo markii ugu horeysaba lala eegtey albaabka hore ee laga galo dhismaha UNDP,qeybta kalena waxey aheyd 5 qof oo ku hubeysan qoryaha fudud iskana dhigey askar ka socota dawlada,iyagoo awood u heley in ay gudaha u galaan dhismaha,iyagoo dagaalka ku heley hal qori dabajeexa oo ay dileen ninki watey.
Dagaal ayaana gudaha in muda ah ka socdey,3nin oo kaliya ayaa gudaha ka dagaalamayey halka labo ay laamiga ka celinayeen gaadiid kasta oo isku daya in uu wadada maro xitaa waxey celiyeen labo baabuurta Amisom ah oo taagnaa hottel jazira hortiisa,inta badana waxey baabuurta isaga dhigayeen in ay askar dawlada ah yihiin.
Dagaalyahanada alshabaab ayaa sheegtey in ay weerarkaas ka danbeeyeen isagoo sheegey in ay ku laayeen ku dhawaad 20 gaalo ah waa sida uu hadalka u yiriye,dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed ayaa sheegey in dhimashadu ay hada tahey 8 sideed oo ku kala sheegey 4 somali ah iyo 4 ajnebi uusan kala sheegin wadamada ay u kala dhasheen,sidoo kale waxaa shir jaraa’id wada qabtey ra’iisalwasaare saacid iyo nikolos key iyagoo si wada jir ah u cambaareeyey ficilada nuucan oo kale ah,wuxuuna sheegey wakiilka xoghayaha guud nikols key in aysan hawlahoodi waxba u dhimidoonin tani ayna kusii socondoonaan wadadii ay horeba ku socdeen.
Weeraradan iyo qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo beryahan laga wado baaritaano lagu baadi goobayo saraakiisa sar sare ee dagaalyahanada alshabaab oo loo maleynayo in qaarkood muqdisho ku suganyihiin,waana kuwo soo noq noqda qaraxyada iyo weeraradu mana jirto cid qaadato masuuliyada amni ee arintan ama xukuumada ha noqoto ama hey’adaha amniga qaabilsan,dad badan ayaana u arka iyadoon masuuliyadaas la helin in aan la hakin karin weerarada iyo qaraxyada ka imanaya alshabaab.




