Kulankii Nairobi Ee Farole Iyo Xasan Sh. Oo Qodobo Badan Isku Afgaran Waayey, Iyo War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Puntland.

0
624

War-Saxaafadeed:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Xasan
Shiikh Maxamud iyo
Madaxweynaha Dowladda
Puntland Dr Cabdiraxman Shiikh
Maxamad Maxamud Farole ayaa ku kulmay
hotelka uu Magaalada Nairobi ka
dagan yahay Madaxweyne Xasan
Shiikh, iyadoo ay hore Madaxdu
ugu balameen inay kulmaan
markii ay isku salaameen
madaarka Jomo Kenyatta
International Airport.

Arrimaha laga wada hadlay
waxaa ka mid ahaa: faragelintii
lagu sameeyey Dastuurka
Federaalka Soomaaliya; hirgelinta
heshiiskii ay magaaalda Garowe
ku wada saxiixeen Dowladda
Federaalka iyo Dowladda
Puntland ee March 11, 2013;
maamulka cusub ee loo doortay
Jubaland iyo nidaamka
Federaalka Soomaaliya; Lacagta
Shillin Soomaaliga iyo xaaladda
dhaqaale ee dalka; socodsiinta
Dib u heshiisiinta Qaran;
Deeqaha ay bixiso Beesha
Caalamka sidii loo gaarsiin lahaa
gobollada Soomaaliya oo dhan;
iyo arrimo kale.

Xafiiska Saxaafadda ee Madaxtooyadda Puntland
Nairobi, June 6, 2013.

Dhinaca kale sida ay Warka ku ku
heleen Howlwadeenada
Puntlandi laba qodob oo kamid
ah waxyaabihii laga wadahadlay
ayaa la isku fahmi waayey
labadaas qodob oo ahaa kuwa
sababay in shirka lagu kala
dareero iyadoon Wax natiijo ah
kasoo bixin, labada qododb ayaa
kala ahaa Arimaha Jubaland iyo
Dastuurka qodobada laga
badaley.

Madaxweyne xasan Sheikh
wuxuu ku adkeystey
Mowqifkoodii ku aadaanaa
Jubaland, tasoo labada dhinac
kala fogeysey, dhinaca kale
Waxaa si kulul looga wada hadley
Dastuurka oo Madaxweyne Xasan
Shiekh la hor dhigey Dastuurka
Rasmiga ah iyo kan Wax laga
badalay, Arinataasna waa la isku
maan dhaafey.