Shirkii looga hadlayay Maalgashiga Soomaaliya oo maalintii labaad ka socdo magaalada Nairobi, Sawiro.

0
502

AmericaShir ay kasoo qaybgaleen wufuud kakala timid caalamka oo isugu jira ganacsato,siyaasiyiin iyo shirakado Soomaali ah iyo ajaanib leedahay ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada Hanvard qaybteeda qaarada Afrika ayaa loogu magacdaray maalgashiga Soomaaliya.
Waxaa qabanqaabiyayaasha shirkan ay ku tilmaameen in ujeedkiisu yahay dib u dhis iyo maalgashi ballaaran oo laga sameeyo Soomaaliya, loona gogol xaaro sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen shirkadaha ajaanibta iyo kuwa maxalliga ahba.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkan Kenya oo furay shirka ayaa ku tilmaamay soo qabanqaabiyayaashii inay dalkooda wax wayn u qabteen dawlada Soomaaliyana ay garab taagantahay qorshaha lagu doonayo in lagu maalgashado Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay soo dhaweyso cidwalba oo doonaysa, inay maalgashi ka samaysato” ayuu yiri Cali Ameeriko.
Ambassador Maxamed Cabdi affey oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya oo isagu hogaaminayay qaybtii koowaad ee shirka ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay waddan istiraatiji u ah ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.
“Soomaaliya maantay waxay gashay marxalad cusub, waxayna diyaar u tahay inay u fududeeyaan cidwalba oo doonaysa inay halkaa ka samaysato maalgashi, waxaanan ku boorrinayaa dadka Keenyaanka ah inaan fursadaas looga hormarin” ayuu yiri Affey.
Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in bogga cusub ee Soomaaliya ay bilowday inuu yahay mid rajo wanaagsan u xambaarsan gobolka iyo wadamada caalamka.
“Soomaaliya waa waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo caalamkaba, waxayna maalgashiga dalkeenu noqonaysaa mid ay ka faa’iidaan dhammaan shirkadaha caalamku” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira Soomaaliland.
“Somaliland labaatan iyo labo sano ayay ku jirtay xasillooni buuxda, waxayna soo dhawaynaysaa cidii doonaysa inay maalgashadaan dalkeena” ayuu yiri Maxamed C/laahi.