Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo labo cisho ka hor gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa maalintii 3aad ku xaniban garoonka dayuuradaha magaaladaas ka dib markii loo diiday iney gudaha u galaan Kismaayo.
Wararku waxay sheegayaan in wasiirada ay habeenkii 2aad xalay ku hoydeen garoonka dayuuradaha Kismaayo, waxaana wasiiradaas ay kala yihiin wasiirka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka garsoorka C/llaahi Abyan Nuur.
Ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo oo halkaas ku jooga magaca AMISOM ayaa u sheegay wasiiradan in haddii ay doonayaan magaalada iney galaan aysan sugi Karin amaankoda.
Jen. C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba-land garabka Axmed Madoobe ayaa saxaafada si cad ugu sheegay iney iyagu amar ku bixiyeen in wasiirada ka tirsan dowlada aysan gudaha u soo gali karin magaalada Kismaayo.
“Wasiirada waxaan ugu tagnay garoonka Kismaayo, waxaan u sheegnay in haddii ay doonayaan saraakiisha AMISOM ay kula kulmi karaan garoonka, haddiise ay doonayaan iney galaan magaalada aysan Kismaayo aheyn meel la iska galo balse ay tahay meel uu maamul ka jiro cid aanan ka warqabina aysan soo geli Karin, haddii ay doonayaan iney laabtaan dayuurad wey dalban karaan” ayuu intaa ku daray Jen. Fartaag oo xusay in wafdigaas ay doonayan iney qas iyo jahwareer ka abuuraan Kismaayo.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay u socdaan howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuuumadda Soomaaliya ay kala hadlayso Midowga Afrika howsha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya, ka dib markii ay caddeeyeen ayuu yiri inaysan sugaynin amaanka koox wasiirro iyo xildhibaanno ah oo ku sugan Kismaayo.
“Innagu ma doonayno inaan eedeyno dowlada Kenya, laakiin ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxay u dhaqmeen si xun, waxayna gudan waayeen waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.
Ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyaa ineysan u dhaqmin sida ay u dhaqmaan ciidamada kale ee AMISOM, ayna taageeraan maamulka Axmed Madoobe, lamana oga go’aanka ay dowladu ka qaadan doonto ciidanka Kenya oo dhinaca kale mowshin ka dhan la geeyey baarlamanka Somalia.
Dowlada Kenya ayaa ku dhaqmeysa siyaasad labo wajiilenimo ah, iyadoo madaxda dalkaas ay sheegaan iney dowlada Somalia ku taageerayaan dhismaha maamulada dalka, gaar ahaan Jubooyinka halka ciidamadooda ku sugan Kismaayona ay ku kacaan ficilo ka dhan ah siyaasada dowlada Soomaliya, lamana oga halka uu ku dambeyn xaalka Kismaayo oo hadda noqday mid murugsan.




