Qaar kamid ah xisbiyada dalka ka jira oo ku baaqey banaanbax ka dhan ah ciidamada kenya iyo joogitaankooda ciida soomaaliya.

0
485

Dawlada kenya oo siyaasadeeda soomaaliya ku fashilantey ayaa qaar kamid ah axzaabta dalku ku dhawaaqeen debed baxyo ka dhan ah joogitaanka ciidamadooda ku sugan jubooyinka iyadoo qaar kamid ah xubnaha barlamaanku mawshin ka geeyeen ciidamada kenya.

Waxey aheyd dhamaadki sanadki hore markii ciidamada kenya ay soomaaliya soo galeen iyagoon cidna kala xiriirin soo gelitaankooda soomaaliya,kadibna waxaa sharci daro ku tilmaamey m/weynihii hore shekh shariif sh axmed,waxaaney siyaasiinta kenya qaylo afka labadi yeereen haba ugu daraadeen kuwa gumeysi la jooga ah ee oogada sare soomaalida uga eg qalbiga iyo maskaxdana gumeysiga ka ah una adeega,kuwaasoo dhamaantood weerar afka ah ku qaadey m/weyne sheekh shariif iyagoo ku eedeeyey in m/weynuhu alshabaab uu hoos ka yahey mar hadiiba uu diidanyahey in alshabaab lagula dagaalamo gudaha soomaaliya,waxaana marqaati beenle u furey ra’iisalwasaarihii hore gaas isagoo sheegey in ay ogyihiin ciidamada kenya ee soomaaliya soo galey.

Tan iyo waqtigaas ciidamada kenya waxey wadeen tacadiyo iyo gaboodfalo ka dhan ah dadka shacabkaa ee ku nool gobolada jubooyinka waxeyna si magac u yaala u qaateen magaca ciidamada amisom si ay ugu dhex dhuuntaan halka ciidamada ethiopia ay diideen in magaca amisom ay ku hawlgalaan,waxey hadana isku dayeen in ay badda soomaaliya kusoo galaan magaca amisom waase ku guul dareysteen,gabangabadii waxey marayaan ciidamada kenya in ay maamulaan garoonka kismaayo,iyagoo dhawr jeer ishoristaag ku sameeyey madax iyo wasiiro dawlada dhexe ka socda sidaas darteed baa caawa waxaa ku dhawaaqey banaanbax ka dhan ah ciidamada kenya qaar kamid ah xisbiyada dalka ka jira uuna ugu horeeyo xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo uu kusimaha gudomiyaha xisbiga ahna gud.kuxigenka xisbigaas cali maxamed nuux timajilic iyo kuwo kaleba ay ku dhawaaqeen in dadweynuhu muujiyaan dareenkooda wadaninimo,soomaalinimo,si nabad ahna u diidaan ciidamada kenya iyo siyaasadooda guracan.