Madaxda dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney ka dambeyaan mowshin laga gudbiyey ciidanka Kenya/

0
582

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil

MadaxdaXildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo lagu magacaabo Cabdi Barre Jibriil ayaa ku eedeeyey madaxda sare ee dowlada Somalia iney ka dambeeyaan mowshin ka dhan ah ciidamada Kenya oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka.
Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa sheegay in madaxda dowlada aysan si toos ah uga hor imaan Karin ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo sidaa awgeedna ay adeegsadeen xildhibaano si ay mowshin uga geeyaan, marka laga doodo ka dibna loo codeeyo iney dalka ka baxaan.
“Madaxda dowladu waxay dhibsadeen hab dhaqanka ciidamada Kenya, hase ahaatee waxaan cadeynaynaa in ciidamadaas haddii ay dalka ka baxaan ay iyana bixi doonaan ciidamada AMISOM taasna ay horseedi doonto in dalka ay la wareegto Al-shabaab” ayuu intaa ku daray xildhibaan Cabdi Barre.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mowshinkaas uu noqon doono mid aan meel marin oo baarlamanku ka hor iman doono maadaama aan la heynin ciidamadii bedeli lahaa haddii lagu baaqo in ciidamada Kenya ay ku laabtaan dalkooda.
Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ku soo haray mowshin fashil ku dhamaaday oo dhowaan ku dhowaad 100 Mudane ay ka gudbiyeen xukuumada RW Saacid iyagoo dalbanayay iney codka kalsoonida weydiisato baarlamanka, inkastoo markii dambe intooda badan ay dib uga laabteen.
Xubnaha gudbiyey mowshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ayaa sheegay iney talaabadaas qaadeen ka dib markii ay u adkeysan waayeen hab dhaqanka ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo oo ay sheegeen inuu yahay mid ka duwan kan ciidamada kale ee AMISOM, iyagoo ku eedeeyey iney soo dib u soo celiyaan wufuuda dowlada ee Kismaayo booqaneysa ayna taageeraan koox gaar ah.